Oog-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Oog ee gobolka Saraar.
Madaxda xisbiga ee Degmada Oog ayaa guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Waftigii uu hoggaaminayo uga warbixiyay hawlaha xisbiga iyo shaqada ay ka qabteen degmada Oog, waxaanay dadweynaha Deegaanka Oog uga mahadnaqeen soo dhawaynta ballaadhan ee ay ku qaabileen guddoomiyaha iyo waftiga uu hoggaaminayo.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dadweynaha Degmada OOG uga mahadnaqay soo dhawaynta ballaadhan ee ay ku qaabileen, Waxaanu u sameeyay ballanqaadyo la Xidhiidhq harumarinta deegaanadooda.