Xukunka 25-sano ee lagu riday Getnet Baye oo lagu helay dambi ah kufsi iyo dil bahalnimo ah oo loo geystay Heaven Awot oo 7 sano jir ah ayaa cadho badan ka dhaliyay dalka Itoobiya.
Dad badan ayaa aaminsan in ciqaabtu ay aad u dabacsan tahay marka loo eego dembiga uu galay intuu leegyahay.
Heaven waxaa weeraray mulkiilaha gueiga hooyadeed, Getnet, magaalada Bahir Dar ee gobolka Axmaarada. Kadib xukunkiisii todobaadkii hore, Getnet waxa uu ku dhawaaqay qorshe uu racfaan kaga qaadanayo.
Kiiska ayaa dib loo dhigay ilaa bisha Oktoobar.
Heaven hooyadeed, Abekyelesh Adeba, ayaa BBC u sheegtay inay dareemayso “nolol la’aan” ka dib markii ay wayday gabadheeda.
In ka badan 200,000 oo qof ayaa saxeexay codsi online ah oo ku baaqaya xukun adag oo muujinaya taageerada Abekyelesh.