YEMEN – Digniin laga bixiyey halista markab saliid badan sida oo lagu weeraray Badda Cas
Markab sida 150,000 oo ton oo saliid ah, ayaa qarka u saaran inuu gebi ahaanba saliidda ku qubo biyaha Badda Cas, kadib markii gantaalo lagu weeraray Arbacadii shalay.
Markabka oo lagu magacaabo MV Sounion, isla markaana sitay calanka dalka Giriigga, ayaa lagu dhuftay dhowr gantaal xilli uu marayey biyaha caalamiga ah ee Badda Cas, gaar ahaan meel u dhow xeebaha dalka Yemen ee Xuutiyiintu ka taliyaan.
Warku waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha saaran markabka haatan laga daadgureeyey, waxaannu markabku hadda yaallaa Badda Cas iyadoo saliid badan ka daadanayso, taas oo laga baqayo in ay keento khatar degaan aad u weyn, sida ay sheegeen Hawlgalka Badda Cas ee Midowga Yurub (ASPIRES).