Burco:16/08/2024(Berberanewa)-Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu gadh-wadeen u yahay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caawa magaalada Burco kulan gaar ah kula yeeshay guddida Awal Bari, waxana halkaas lagu axadhay arrimo kala duwan oo salka ku haya dardarinta hawlaha xisbiga KULMIYE iyo sidii looga wada shaqayn lahaa in xisbigu markii saddexaad oo talada waddanka ugu guulaysan lahaa.
kulankan waxa la iskula gartay in degdeg loo hawl geliyo guddi gaar ah oo ka shaqaysa arrimaha dardargelinta hawlaha ololaha ee dalka kusoo aaddan, iyaga oo xubnaha guddidu halkaas ka caddeeyey inay xil weyn iska saari doonaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn lahaa dhammaanba deegaamada ay degaan bulshada ku abtirsata Awal Bari.
Kulankan waxa hoggaanka xisbiga ku wehelinayey xubno kamid golaha wasiirrada, xildhibaanno, saraakiil katirsan xisbiga, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo haldoor kale.