Sidaasna waxa lagu bayaamiyay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka ee SOLNA, waxana lagu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland ay fulinayso hirgelinta heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibaddu waxa ay xustay in ay si dhow ula socotay wadahadalkii maamulka Muqdisho iyo Itoobiya ee Turkigu dhexdhexaadiyaha ka ahaa oo bilowday 12kii August, wadahadalkaasi oo aan laga gaadhin natiijadii Turkigu ka doonayey.
Xukuumadda Somaliland waxa ay ku eedaysay Turkiga dhexdhecaadnimo la’aan oo uu farogelinayo heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanay xustay shirkii jaraa’id ee Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu qabtay 9 bishan uu sheegay in himiladoodu tahay xal u helida xiisada u dhexaysa dawladda Muqdisho iyo xukuumadda Itoobiya, iyagoo galaangalka mandaqada ee Turkuga ay ka muuqato dhexdhexaadnimo la’aan.
Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay intaas ku dartay in madaxweynaha Somalilànd Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey isku soo bax ka qabsoomay Berbera uu sheegay “in Turkigu aanu xushmaynayn madaxbannaanida Somaliland, sidaas darteed, aanay Somaliland aqbali doonin in la yidhaahdo Somaliland waxa laga xukumaa Muqdisho.”
Warmurtiyeedka wasaaradda arrimaha dibada waxa kaloo lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaq u leedahay inay gasho heshiisyo caalamiya, waxaanay ku boorisay Turkiga iyo dawladaha kaleba in aanay farogelin Somaliland.
Xukuumadda Somaliland waxa ay iftiimisay inay ka go’an tahay inay kaalin ka qaadato nabada mandaqada iyo inay iskaashi la yeelato dalalka jaarka ah.