Urur-siyaasadeedka WAABERI oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa 12/08/2024 – (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Aqlabiyadda hoggaankii Urur-siyaasadeedka Waaberi, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE.

Wadahadal dhexmaray hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo inta badan madaxdii iyo xubnihii guddiga Fulinta ee Urur-siyaasadeedkii WAABERI, ayaa lagu heshiiyey in ururku la midoobo xisbiga faca weyn ee KULMIYE.

Munaasibad loo sameeyey heshiiska xisbiga iyo ururka oo ay goob-joog ka ahaayeen madax iyo masuuliyiin kala duwan, waxa labada dhinac u kala saxeexay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Urur-siyaasadeedkii Waaberi Md. Muftafe Maxamuud Qodox.