“Guriga hoggaamiyaha waxa ku dhacay gantaallo ..” Xog dilkii Ismail Haniyeh

Khaled Qaddoumi ayaa Gaashaanka ku dhuftay  sheekadii Beenta ahayd ee uu qoray wargeyska The New York Times ee ku saabsanayd  in qarax bambo ay sababtay geerida AHN ISMAIL HANIYEH

Qaddoumi wuxuu sheegay in dhismaha waqtiga uu Qarxay ahayd abaara 01:37 saqda dhexe. isla markiiba waxa aan arkay buu yidhi qiiq badan kadibna waxaan  ogaaday in Abuu al-Cabdi (Haniyah) uu geeriyooday

Waxa uu sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay kadib ogaadeen in weerarkan lagu dilay hoggaamiyaha  lagu fuliyay  gantaallo,”
Hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday Qadoumi   inuu bixiyo faahfaahin intaasi kasii badan…

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in natiijada baadhitaanada ay wadaan kooxaha farsamada ee “Walaalaheena ah isagoo u jeeda dawladda  Iran”.

wargeysyada Maraykanka iyo Israa’iil  wararka ay ka qoreen dhacdadan waa been aan sal iyo raad toonna lahayn.

Qaddoumi wuxuu sheegay in sheeka ay ee ku saabsan in bam lagu sii xidhay guriga ay been abuur oo ay ujeeddooyin ka leeyihiin.

Isagoo  sheegay in ujeeddada ka dambeysa hadalladan iyo sheekooyinka noocan oo kale ahi, ay tahay in Israa’iil ay ka caawiyaan  sidii ay isaga fogeyn lahayd dhagartan, isla markaana uga baxsan lahayd  mas’uuliyadda dambigaasi au lugaha la gashay. …

Wakiilka dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiin ee Tehran Khaalid Qaddoumi waxa uu ku nuux-nuux saday, in Israa’iil ay iyadu Qorshaysay hawlgalkaasi isla markaasina  ay fulisay weerarka, iyada oo  israaiil ka hor intii aanay Fulin ku war gelisay Maraykanka kadibna uu la qaatay  inay fuliso dilka hoggaamiyaha falastiin ismail haniyeh

wakiilka Xamaas waxa uu maamulka Maraykanka ku tilmaamay in ay gacan ka geysatay dembigan dhacay,
maadaama booqashadii Benjamin Netanyahu ee Washington dabayaaqadii bishii july ay saraakiisha Maraykanku u oggolaadeen inuu faldembiyeedkaasi Fuliyo .

Haniyeh, oo ahaa madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiin ee Xamaas, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa lagu dilay gurigii ay degganaayeen oo ku yaalla caasimadda Iran Agoosto 31…..