Somaliland oo digniin ka soo saartay Roobab waaweyn oo filayo Caawa

Hargeysa (Berberanews) – War-bixin uu soo saaray Xafiiska Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa lagaga digay roobab waaweyn oo ka da’aya gobollada Somaliland qaar.

War-bixinta waaxda saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeruhu soo saartay ayaa lagu yidhi sidan:-

War-bixin diginiin ah, saadaasha roobabka la filayo Caawa xiliyada dambe in ay ka da’i doonaan roobab aad u waa weyn oo meelahaa qaar la filayo in ay wataan dabaylo, gaar ahaan Gobollada Galbeedka sida Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, iyadoo ay roobabkaasi u badnaan doonaan dhanka xeebaha galbeedka oo xaddi ahaan lagu qiyaasey 80MM ilaa 100mm, iyadoo la  filayo inay ka dhalan karaan fataahado.

Fiiro Gaar ah :- Dadwaynaha ku nool goobaha aanu soo xusnay  waxaa la farayaa in ay ka feejignaadan ama ka dheeraadaan meelaha biyo- mareenada ah iyo dooxiyanka ah..”