Xildhibaan Faarax Macalin oo laga Saaray Xisbigii uu ka tirsanaa.

Kenya-(Berberanews)-Guddiga Fulinta Qaranka ee Xisbiga Wiper Party (NEC) ee dalka kenya, ayaa hadda qalinka ku duugay  in Xildhibaanka laga soo doorto Dhadhaab ee Faarax Macallin laga eryo garabka siyaasadda ee mucaaradka sababo la xidhiidha hadallo deelqaaf ah oo uu dhawaan ka sheegay dibad-baxayaal Kenyan ah oo dhallinyaro ahaa,muuqaalka hadalka faarax macalin oo  soo shaac baxay dhawaan ayaa  cadho ka abuuray internetka.
Faarax Macallin mar uu la hadlayay dad Soomaali ah, xaflad ka dhacay magaalada Nairobi, wuxuu sheegay in haddii uu ahaan lahaa Madaxweynaha Kenya, uu “ gowraci lahaa 5,000 oo mudaaharaadayaasha dhalinyarada ah ee Gen Z ” hadalkaasi ayaa ku beegmay xilli dhawaan ay socdeen mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa sharciga maaliyadda ee dalkaasi kenya.
dhalinyarada kenyaanka ah ee Mudaaharaadka waday ayaa aad uga cadhoodhay hadalka Faarax macalin uu jeediyay.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wiper-ka kolonso Misyoka, ayaa ogolaaday in xisbiga laga caydhiyo faarax macalin oo uu ku eedeeyay in uu ku guuldarraystay in ku dhaqmo qiyamka xisbiga isla markaana aanuu ku matalin hadalka xun ee uu bulshada kenya u  jeediyay.
sidoo kale faarax macalin waxaa u yeedhay gudiga qaabilsan ilaalinta wadajirka umadda iyo ka hortaggga hadalka xanafta abuuraya,  kuwaasi oo waydiin doona faarax macalin hadalka bulshada kenya ka cadhootay ee uu fagaaraha ka sheegay.