Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Gobalka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun saddex sannadood oo xadhig ah ku riday iyo ganaax lacageed oo dhan Laba Milyan oo Shilin Somaliland ah Mahad Xariir Daahir oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL gacanta ku soo dhigeen , kaasi oo ku eedaysanaa inuu sameeyay faldambiyeed ka baxsan anshaxa Darawalnimo,isaga oo halis galiyay naftiisa iyo badqabka dadka iyo duunyadaba .
Hadaba Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu farayaa wadayaasha gaadiidka inay ka digtoonaadaan falalka noocaasoo kale ah, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan cidii arrimaha noocaasa ku kacda.