Somalia oo dacwad ka dhana Ethiopia u gudbisay Qaramada Midoobay

UN-(Berberanews)-Dowladda Somalia ayaa dacwad ka dhan ah Ethiopia u gudbisay Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay.

Safiirka Somaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah ku galeen xuduudka Somalia taasoo keentay inay iska hor imaad la galaan ciidamada ammaanka ee deegaanka.

“Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay inay ixtiraamto mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga,” Sidaa waxa yidhi Abuukar Cismaan oo la hadlayay  15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay Itoobiya ka filayaan inay ixtiraamto deris wanaagga labada dal.

Abuukar Baalle wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasban tahay inay dib u dhigto bisha July ilaa Sebtembar ka bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira Al Shabaab.