MINNEAPOLIS : Nin Somali oo 22 Dabaq iska soo riday

MINNEAPOLIS —(VOA)_Nin Soomaali ah ayaa laba cad u kala go’ay kadib markii uu kasoo dhacay dabaq aad u dheer oo ku yaalla xaafadda Cedar Riverside ee magaalada Minneapols ee gobolka Minnesota.

Cabdicasiis oo dhalinyaro ahaa ayaa goobjooge u sheegay inuu iska soo tuuray dabaqa 22-aad ee dhismaha, iyadoo inta aanu dhulka gaadhin ka hor uu ku dhacay meel darbi ah, taasoo keentay inuu laba cad u kala go’o.

Goobjoogaha ayaa sheegay in ninka uu qabay xanuun maskaxda ah, iyadoo ehellada marxuumka iyo bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ay si weyn uga naxeen dhacdada.

Maxamed Muuse Xasan oo kamid ah hogaamiyeyaasha bulshada gobolka Minnesota ayaa dhacdadan uga warramay weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Halkan ka dhegayso warbixinta