“Dool xadhigiisu wuxuu la midyahey xadhigii Muj Cabdillaahi Akar” Ayaanle Suldaan Maxamed

Hargeysa-(Berberanews)-Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle, ayaa si adag u cambaareeyay xadhigii shalay loo geystay Cismaan cumar dool, kaasoo uu xadhigiisa barbar dhigay kii Lagula baxay Muj Cabdilaahi Askar.

Suldaan Ayaanle waxa uu wax laga xumaado ki tilmaamay in meel lagaga dhacay qiyamkii Saldannada Somaliland oo la ixtiraami waayay Suldaankii Guud ee Reer Sheekh Isaxaaq Suldaan Daauud Suldaan Maxamed iyo Maayirka Caasimadda oo xabado laga dul riday.

Qoraal looban oo uu suldaan ayaanle soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaan  sida ugu adag u canbareynayaa falka foosha xun ee gaadhey heer isku day dil.
Waxa layaaba hogaamiyiihii dhaqanka ummadan Somaliand karaamadii guud iyo kofiyadii reer Sheekh Isaxaaq; Guddoomiyii dhaqanka in si badheedha falkaa loogula kaco Suldaanka dhamaan dhaqanka goobta joogay ee falkaa laguula kacay iyo Mayir Mooge wixii ku dhacey masuuliyadeeda cidii laheydbaa qaadeysa.

Walllahi waa lagu xisaabtamaya falkii shaley; Cismaan Cumar Dool xadhigiisu wuxuu lamidyahey xadhigii Muj Cabdillaahi Akar barkad, Birjeexna Muj ibraahin koodbuur oo mujaahidiin naftood hilurayaali labexeen si geesinimo leh.

Waana  xisaabtamaya wixii dhacey,
Waxaaan dagdag usoo gabiyey safarkaygii shir dagdag ah oo Suldaanka guud dhaqanka isugu yeedhey, waxaaan dhaqanka ku wargalinaya in shirkaa xalaadan soo korodhey lagaaga ariinsanayo.”