Hawladeenno ka socda kongreeska Maraykanka oo soo gaadhay Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Ciise Kayd Maxamuud, ayaa dalka ku soo dhoweeyey Hawladeenno ka socda golaha kongreeska Maraykanka ee (US Congressional Staff) oo maanta markoodii labaad soo booqday dalka.

Safarkan xograadinta ah ee xilligii ku habboonaa kusoo beegmay, waxa isku soo dubbaridey Urrurada American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI) waxana soo qabanqaabiyey safarka Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).  Waxa goobta ku sugnaa oo horkacayay martida Dr. Al Khalafalla, oo ka socdey HDI, iyo Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha RCF.

Waa booqashadii labaad ee xaqiiqo raadin ah ee wefti Hawl-wadeenno ah oo ka socda Golaha Baarlamanka Koongareeska Maraykanku ay ku yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland muddo labo sannadood gudahood ah, waxaana lagu wadaa in muddada ay dalka ku sugan yihiin xog-ururin ka sameeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan ee danaha labada waddan ee Somaliland iyo Marayanku ku jirto.