Madaxweynaha Somaliland Oo kormeeray diyaarado cusub oo dalku yeelan doono

Hargeysa-08-06-2024-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Taliska Guud ee ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Ugu horayn Madaxwweynaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay uu yeelan doono Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka, muddo laba sanno ahna qaadan doona casharada la xidhiidha cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland u diyaarisay, si loo helo muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, kana soo qalinjebiya Dugsiga Barashada Duulimaadyada (Civil Aviation Institute) oo ay dhigi doonaan macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, madaama Madaxweynaha qaranku uu qorshaynayo sidii looga midho dhalin lahaa hirgelinta iyo aas-aaska shirkada Diyaaraha ee Somaliland Airline mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu madaxweynuhu warbiximo ka dhegeystay maareeye ku xigeenka Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, mudane Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada maddaalayaasha ah ee habeen iyo maalin ku hawlan shaqada qaranka ee dhinaca hawada, Iyagoo Madaxweynaha tusay shaqada ay hayaan baaxadeeda iyo sida ay u kala hagaan una kala badbaadiyaan diyaaradahaa, siyaana adeegyo badan oo ay u baahan yihiin, Iyadoo amaro qaldana laga siiyo Muqdisho balse ay diyaaruhu iska diidaan raacaana amarka saxda ah ee ay bixiyaan madaama la isticmaalayo hawada Somaliland.

Ugu danbayn Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxaana halkaa ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka Qaranka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kala duwan, halka Taliyaha Ciidanka Boolisa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo hoggaanka dhismuhu ay ku soo dhaweyeen madaxweynaha Dhismayaal ka socda Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland.