“Is-fahamka aynu la galnay Somaliland waa arrin ka xeel dheer shaqadayada,” Wasiir Alemu

Wargeys ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay xog-warran Wasiirka Gaadiidka #Itoobiya Mr Alemu Sima uu baarlamaanka dalkiisa ka siiyey 4tii bishan June ahmiyada heshiiska isfaham ee ay la galeen Jamhuuriyadda #Somaliland.

The Reporter oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Itoobiya, ayaa sheegay in Wasiir Alemu u xaqiijiyey xildhibaannada baarlamaanka inay xukuumadda ka go’an tahay taabbogelinta heshiiska taariikhiga ah ee kala saxeexdeen labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiir Alemu Sima waxa uu carrabka ku xejiyey in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu dhinacooda maamulayo Raysal-wasaare Abiy Ahmed, isla markaana rajaynayo in dhowaan la dhammaystiro.

“Is-fahamka aynu la galnay Somaliland waa arrin ka xeel dheer shaqadayada,” ayuu yidhi Alemu Sima oo intaas ku daray, “Wada-xaajoodyada waxa saxeexay oo inoo waday Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed,  arrintaasina si wanaagsan ayey u socotaa, helista marin badeedkuna ma aha oo qudha rar iyo rogis keliya.”

Waxa kaloo uu iftiimiyey in sidoo kale Itoobiya doonayaan isticmaasho dekedaha dalalka jaarka oo dhan, si wadajir ahna looga doonayaan inay uga faa’iidaysan doonaan dhinacyadu.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa uu tusaale u soo qaatay qorshaha Addis Ababa ee ku wajahan isticmaalka dekedda Asab ee Eritrea iyo marsada Suudaan, kuwaas oo uu tilmaamay inay adeegsan doonaan shucuubta ku dhaqan shanta gobol ee galbeedka Itoobiya.