Somalia oo xubin aan joogto ahayn ka heshay QM

NEW YORK — Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Codeyntii loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, waxay u baahnayd 124 cod, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammanaka laga bilaabo Jannaayo 2025.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo haya Maxamed Colaad Xasan.