Xukuumadda Somaliland oo farriin u dirtay Qurbojoogga

Hargeysa-(Berberanews)-Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu baaqday qurbajooga inay ka fogaadaan wixii cunfi iyo kala qaybsanaan u horseedaya bulshada ee ka dhallan kara loolanka doorashooyinka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in sannadkan mar kale ay shacabka Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ahi ay muddo ay ka hadhay 171 maalmood ku soo dooran doonaan madaxweyne iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay  inuu si dadban iskaga bilaabmay ololihii doorashooyinku, waxaanay wasaaradda Arrimaha dibaddu ay caddaysay inay u kuurgal ay ku sameysay baraha bulshada ay aragtay inuu sii xoogaysanayaan hadallada xanafta leh ee bulshada kala geynaya oo ku soo badanaya  qurbajooga JSL.

Waxa kaloo war-murtiyeedkaas lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xushmaynayso in qof kastaaba xaq u keeyahay xornimo u hadalka, hase yeeshee ay ugu baaqayso qurbajoogga sharafta leh inay xuquuqdooda u cabiraan si xikmad leh.

Warsaxafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibada waxa  lagu bayaamiyay in doorashooyinku leeyihiin caadifad iyo xamaasad xoog leh, balse ay daruuri tahay in dareennada loo cabiro aragti dheeri, lana xaqiijiyo in dooduhu ku sallaysnaadaan xaqiiqada iyo deganaansho.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay soo jeedisay in laga feejignaado in fursad loo siiyo  dadka aan Somaliland u dhallan ay been abuur  kaga faafin karaan Somaliland iyo nidaamkeeda doorashada, si ay u kala qaybiyaan shacabkeenna.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay sheegtay in la xasuusnaado in caalamku ina daawanayo saaxiib iyo cadowba oo ay tahay inaynu tusno qaan-gaadhnimo iyo hormarka Jamhuuriyadda  Somaliland.