Tirada dad ku dhintay Duufaanta Maraykanka oo sii kordhaysa

US-(Berberanews)-Duufaano xooggan oo ka dhacay dalka Mareykanka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah, waxaana burbur ballaadhan ay u geysatay guud ahaan Texas, Oklahoma iyo Arkansas ka dib markii ay burburiyeen guryo iyo goob baabuurta xamuulka qaada la dhigo oo ay gabbaad ka dhigteen darawallada.

Toddobo dhimasho ah ayaa laga soo sheegay degmada Cooke, Texas, oo u dhow xudduudda Oklahoma, halkaas oo duufaan habeenkii sabtida ay ku dhufatay dhulka miyiga ah.

Oklahoma, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay ka dib markii duufaan ay ku dhufatay Mayes County dabayaaqadii Sabtidii, madaxa maamulka degdegga ah ee kowntiga Johnny Janzen ayaa u sheegay bahda Fox News ee Tulsa.

Waqooyiga Arkansas, laba qof ayaa ku dhintay duufaano saacadihii hore ee Axadda, sida ay xaqiijiyeen maamulka maxalliga ah.