Ethiopia: Dagaallo kazoo cusboonaaday Tigrayga iyo Axmaarada

Addis Ababa(Berberanews) – Dawladda deegaanka Axmaarada ayaa ku dhawaaqday in dagaal dhamaystiran ay kusoo qaadeen ciidamada Tigraygu, isla markaana colaad horleh ay ka holci doonto woqooyiga Itoobiya.

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka ku-meelgaadhka ah ee deegaanka Amxaarada ayaa lagu shaaciyey, in duullaan ay u dhamaystiran yihiin ciidamada Tigrayga iyo maamulkoodu ay kusoo qaadeen waxa uu ugu yeedhay ‘dhulka Amxaarada’ ee Raya iyo Alamata oo ay Tigraygu dib ugu qabsadeen dagaallo socday labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, kaddib laba sannadood oo ay deegaannadani ka maqnaayeen gacantooda oo ay haysatay Amxaarada oo ku muransan.

Dawladda deegaanka Amxaaradu waxa ay sheegtay, in Tigraygu aanay waxba ka barannin qaladaadkii ay hore u galeen, haddana ay mar kale samaynayaan dariiq horseedi kara colaadii woqooyiga Itoobiya oo dib u bilaabanta.