Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo xukuntay askari shacab baadhay

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidamamada Qaranka Somaliland, ayaa 7 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Askari Dable Maxamed Cabdi Xariir oo dad shacab ah baadhay.

War kasoo baxay Taliska Booliska oo ku saabsan xukunka askariga ayaa u qornaa sidan:

“Maxkamadda Ciidamada Darejada 1aad ayaa saaka 7 sannaddood oo xadhiga ku xukuntay Dable Maxamed Cabdi Xariir oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska JSL kaasi oo isagoo dirayska ku labisan degmada Axmed Dhagax ku baadhay laba dumara oo sugaayay Bas , taariikhdu markay ahayd 28-3-2024 , waxaana ku wehelinaayay laba eedaysane sida ay qabatay Camera CcTv.

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa markiiba waxa uu hawlgal iyo baadhid ku sameeyay kiiskaasi waana la soo qabtay Askarigaasi , iyadoo degdeg loo  horrgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida , taasi oo maanta xukun ku riday .”