“Quddus waxay ku jiri doontaa gacanta Muslimiinta” Ayatollah Ali Khamenei

‘Dunida Muslimku waxay u dabaal dagi doontaa xoriyadda Falastiin’ Khamenei

Hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa muuqaalkan oo muujinaya weerarkii cirka  ee Iran ku qaaday israa’iil soo galiyay barta uu ku leeyahay X oo hore oo odhan jiray twitter

muuqaalkan oo uu  Khamenei cinwaan uga dhigay qoraal ku qoran luuqada cibraaniga  (Hebrew-ga) oo u dhignaa sida tan

“Al-Qudus  waxa ay ku jiri doontaa gacanta Muslimiinta, dunida Muslimkuna waxa ay u dabbaal degi doonaan xoriyadda Falastiin”

dhanka kale Ciidamada Israel ayaa mar  kale duqaymo dhimasho iyo dhaawacyo sababay ka fuliyay  xerada qaxoontiga ee Nuseirat ee ku taal badhtamaha Qaza.