Israel oo 5 qof ku dismay weerar ay ku qaaday Falastiin

Shan qof ayaa ku dhaawacantay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday meel u dhow isbitaalka Yurub ee koonfurta magaalada Khan Younis,
sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa oo soo xiganaysa ilo caafimaad.

Wakaaladdu waxay sheegtay in ciidamada Israa’iil ay sidoo kale nadiifinayeen dhul beereed ku yaalla xaafadda Al-Manara oo koonfur-bari kaga beegan Khan Yuunis.

Waxa ay intaa ku dartay in diyaarad ay leedahay Israa’iil ay sidoo kale duqeysay bakhaar ganacsi oo ku dhow albaabka laga galo xerada Nuseirat ee bartamaha Gaza.

Israa’iil waxay badhtilmaansatay beeraha falastiiniyiinta, roodhida dubista, bakhaarrada, saqafyada iyo sidoo kale xaddiday gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo, taasoo gacan ka gaysatay gaajada iyo nafaqo-xumada marinka Gaza.