Qaar ka mid ah dalalka Carbeed oo diiday in dhulkooda lagaga duulo Iran

Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa diiday in Maraykanku dhulkooda ka qaado duullaan ka dhan ah dalka Iran oo xurguf siyaasadeed ka dhex oogantahay Israel iyo Maraykank oo isgarabsanaya iyo Iran.

Dalalka Qatar iyo Kuwait ayaa soo saaray amarro ka mamnuucaya in diyaaradaha Maraykanka ee dagaalka aan loo ogoleyn inay u isticmaalaan saldhigyada hawada dalalkan Carabta ah si ay duqeymo uga geystaan Iran.

Kaliya maahan in diyaaradaha dagaalka Mareykanka laga mamnuucay isticmaalka saldhigyada militari, balse Qatar iyo Kuwait ayaa sidoo kale mamnuucday in hawadooda loo isticmaalo fal kasta oo militari oo ka dhan ah Iran.

Go’aankaan ayaa si weyn u xaddidaya awoodda Washington ay u leedahay in ay sameyso weerarro ka dhan ah Tehran.

Qatar iyo Kuwait oo xuduud la leh Iran, ayaa carrabka ku adkeeyay mowqifkooda dhex dhexaadnimada ah iyo inay doonayaan inay ka fogaadaan khilaaf kasta oo ka dhaca gobolka.

Maraykanka ayaa diyaaradiisa militari fadhiisiyey Saldhigga Diyaaradaha ee Ali Al Salem iyo Saldhigga Axmed Al Jaber ee Kuwait, iyo Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al Udeid ee dalka Qatar oo ah Saldhigga ugu weyn ee Maraykanka ku leeyahay Bariga Dhexe.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in dhowr waddan oo Carab ah ay go’aansadeen inay xaddidaan in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay fuliyaan duqeymaha ka dhanka Iran.