Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay  Addis Ababa

Taliska Booliska Addis Ababa ayaa ku dhawaaqay in xubnahooda ay qaadeen “tallaabo ka dhan ah hoggaanka iyo xubnaha ururka #Fano” ka dib markii ay israsaasayn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Fano oo maanta ka dhacday agagaarka hoolka Millennium ee caasimadda Addis Ababa.

laba ka mid ah kooxda ayaa la dilay halka mid kalena la qabtay, sida ay booliisku sheegeen. Intaa waxaa dheer, laba sarkaal oo bilays ah, Sergeant Ararsa Teshome iyo Constable Matias Petros ayaa sidoo kale ku dhaawacmay israsaaseynta.

Qof rayid ah oo lagu magacaabo Endeshaw Getnet ayaa waxaa dilay “xagjiriintu” kadib markii uu diiday in uu la shaqeeyo markii ay ku qasbeen inuu fuliyo hawlgalka sida ay sheegeen booliska magaalada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay hal sano oo uu bilaawday iska hor imaadyada hubeysan ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Fano. Balse tani waa warbixintii ugu horeysay ee la ogaado in booliska ay ku lug leeyihiin israsaasayn dhexmartay ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida dowladda iyo kooxda Fano ee magaalada caasimadda ah