“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda.” Kenya

Kenya-Dowladda Kenya ayaa soo jeedisay heshiis dhinaca badda ah oo marin-badeed lagu siinayo dalka Ethiopia si loo yareeyo xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia.

oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay markii Itoobiya ay Somaliland heshiis kula gashay inay deked iyo saldhig militari ka samaysato biyaha Soomaaliya.

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda. Haddii la aqbalo xalka Nayroobi, wuxuu siinayaa Itoobiya helitaanka kheyraadka badda si ay howlaheeda ganacsi ee badda u fushato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yidhi Korir Sing’oei.

Warkaan kasoo baxay Kenya, ayaa yimid, xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto, kulankaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia.