Dhimashada Gaza ayaa gaadhay 33,634

Gaza-(Berberanews)-Ugu yaraan 89 qof oo kale ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday marinka Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalka billowday ka dhigaysa ugu yaraan 33,634, sida lagu sheegay tirooyinkii ugu dambeeyay ee Wasaaradda Caafimaadka.

Dhanka kale, 120 kale ayaa ku dhaawacmay, iyadoo tirada guud ee dadka dhaawaca ah ay gaadhay 76,214. “Dad badan ayaa weli ku xayiran burburka iyo waddooyinka iyadoo samatabbixiyeyaashu ay awoodi waayeen inay gaadhaan,” ayay wasaaraddu tidhi.