Turkiga oo xidhiidhkii ganacsi u jaray Israel

Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay ganacsigii uu la lahaa Israa’iil, isla markaana cunaqabateyn ganacsi ku soo rogay, tan oo ka dambeysay markii uu shalay sheegay wasiirka arrimaha dibadda inuu Turkiga qaadayo tallaabooyin taxane ah oo ka dhan ah Israa’iil illaa xabbad-joojin laga dhaqangelinayo Qasa, kaddib markii Israa’iil ay diidday in diyaaradaha Turkiga ay galaan hawada Qasa, oo ay ku daadiyaan gargaar.

Go’aanka cunaqabateynta dhaqaale markii uu soo baxay , waxaa si dhaqso leh usoo hadlay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Katz oo ugu baaqay shirkadaha ganacsiga Mareykanka inay maalgashigooda kala baxaan Turkiga , wuxuu intaa ku daray inuu labada Aqal ee Mareykanka ka dalban doono cunaqabateyn la saaro Turkiga.