Madaxweyne Putin oo Hambalyo u diray Muslimiinta Rusia

Rusia-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shacabka dalkiisa u diray dhambaal farxad leh oo ku saabsan munaasabadda 1445-aad ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa xusay wax qabadka muslimiinta dalkiisa, gaar ahaan dhanka xidhiidhkka iyo samafalka.
Putin ayaa bogaadiyay mawqifka adag ee Muslimiinta Ruushku ka qaateen la dagaallanka dhaqamada xagjirka ah ee ka fog qiyamka Islaamka.

RT ayaa ku warantay in madaxwaynuhu uu ka codsaday muslimiinta dalkaas in ay is garab istaagaan dadka kale ee Ruushka, lagana shaqeeyo midnimada guud ee Ruushka.