Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya oo warbixin maxdin leh kasoo saaray weeraro ka dhacay Axmaarada

Qaylo dhaan ka soo saaray weerarrada lagu hayo Muslimiinta gobolka #Axmaarada

Ethiopia-(Berberanews)-Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada ba’an ee lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Axmaarada.

Dhacdooyin naxdin leh oo isugu jira dil arxan darro ah, qaraxyo iyo afduub ayaa shacabka muslimiinta ah ku reebay cabsi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa faah faahin ka bixiyay weerar argagax leh oo ka dhacay magaalada #Bahir_Dar, halkaasoo salaadii maqrib kadib si naxariis darro ah loogu toogtay dad aan waxba galabsan.
Intaa waxaa dheer, dhacdooyin rabshado ah oo ka dhacay magaalooyinka #Mota iyo Gonder ayaa argagax geliyay shacabka.

Golaha Sare ee Arimaha Islaamka ee Gobolka Axmaarada ayaa sidoo kale iftiimiyay dhimashada naxdinta leh ee ay ku naf waayeen in ka badan 80 qof, iyadoo tiro intaa ka badana ay ku barakaceen isla markaana loo gaystay dambiyo aad u fool xun.