Turkiga oo ku hanjabay tallaabo markii Israel hor istaagtay diyaaradaheeda

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga, Hakam Fiden ayaa goor dhow qabtay shir jaraa’iil oo uu ku sheegay inay Israa’iil hor istaagtay Turkiga inuu ka qaybqaato gargaarka hawada ee dalal dhowr ah ay gaarsiiyeen Qasa, arrintan oo uu sheegay inay oggalaatay Jordan oo ah marinka hawada ee gargaarka lagu gaarsiinayay Qasa.

Fiden, ayaa hadda sheegay in Turkiga uu qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah Israa’iil, si looga jawaabo go’aanka ay Israa’iil ku hor istaagtay gargaarka Turkiga inuu ku gaarsiiyo hawada Qasa, isagoo go’aanka Turkiga ka hadlayana wuxuu yiri; “Waxaan go’aansanay inaan qaadno tillaabooyin xiriir ah oo ka dhan ah Israa’iil. Tallaabooyinka ayaa sii socon doona illaa ay Israa’iil ku dhawaaqdo xabbad joojin ayna oggalaanayso in si aan kala go’ lahayn loo gaarsiiyo gargaarka Qasa.”

Ma uusan sheegin nooca tallaabooyinka dheeraadka ah ee Turkiga ku cadaadinayo Israa’iil.