Golaha Deegaanka Saylac oo xilka ka qaaday Maayirkii iyo dabaysha ibsedel-doonka

Salal-(Berberanews)-Golaha Deegaanka Magaalada Saylac ayaa maanta waxay   xilkii ka qaadeen Maayirkii, kuna doorteen mid cusub.

Fadhi aan caadi ahayn oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur, ayaa xilkii lagaga tuuray Maayirkii hore Yuusuf Cawaale Daahir, halka maayir cusub loo doortay Maxamuud Cigaal Wacays.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa dhawaan fasaxday kal-fadhiyada xilka lagaga qaadi karo Maayarrada iyo Kuxigeennada 23ka Degmo doorasho ee dalka.

Tallaabada Wasaaradda arrimaha guduhu ku fasaxday kalfadhiyada ayaa horseed u noqon doonta Magaalooyin kale oo dalka ah inay ka dhacdo dabaysha isbedel doonka ah ee xilka lagaga qaadayo Guddoomiyayaasha Goleyaasha Deegannada Dalka.