Baarlamaanka Puntland oo gacmaha isula tegay

Garowe-(Berberanews)-Kulan ay maanta yeesheen baarlamaanka Puntland, ayaa danbeeyay dagaal gacan ka hadal ah iyo buuq, ka dib markii ay ku kala aragti duwanaadeen xeerka Doorashooyinka.

Qaar ka mid ag Mudanayaasha Baarlamanka ayaa gacmaha isula tegay oo dagaal dhexmaray sida lagu faafiyay muuqaallo laga duubay.

Buuqa ka dhashay baarlamaanka, ayaa waxaa sabab u ahaa,
Khilaafka mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka dhashay markii guddida loo xilsaaray xeerkan ay soo jeediyeen, in dib loo dhigo meel marintiisa, iyadoo la eegayo xaaladaha amni ee ka jira magaalada Garowe, iyo in fursad la siiyo dedaalada guddiyada dhex dhexaadinta ee ku howlan xalka siyaasadeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa si degdeg ah usoo xidhay kulanka barlamaanka, isagoo guddi kale u magacaabay inay xeerka doorashada baarlamaanka ku hor keenaan 26-ka bishan.