Hargeysa oo xus weyn loogu sameeyay Maalinta Caruurta

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed (xoor xoor), ayaa maanta qabatay xuska maalinta caalamiga ah ee caruurta Adduunka.

Xuskan oo si sanadle ah loo qabto, waxaa kaso qayb galay xubno ka socda golaha wasiirda, qaybo kamida mudanayaasha golayaasha qaranka iyo agaasimayaal guud.

Waxaana halka warbixin ka jeediyay masuuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Ee wasaaradda.

Iyaga oo dul istaagay kaalinta wasaaradda iyo hirgelinta shuruucda la xidhiidha caruurta oo wasaaaddu wax wayn ka qabatay.

Dhanka kale waxaa madasha ka hadlay qaybo kamida ururada aan dawliga ahyn iyo madaxa hay,adaha caalamiga ah.

Ugu danbayn madasha ayaa agabyo kala duwan lagu wareejiyay caruurti kaso qayb gashay munaasibada waxaana si rasmiya u gudoon siiyay wasiirka Wasaaradda.