Beesha caalamka oo war ka saartay xiisadda colaadeed ee Puntland

Garoowe-(Berberanews)-Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay halista ka iman karta  xiisadaha colaadeed iyo abaabulka ciidan ee ka socda magaalada Garowe ee caasimadda maamul-goboleedka Puntland ee Somalia.

War-saxafadeed kasoo baxay beesha caalamka, ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada ee magaalada gudaheeda ay cabsi gelinayso dadka shacabka ah, waxaana taasi ay keentay in iskuulada la xisho oo dadku ay sameeyaan barakac.

“Ma jirto wax cudurdaar ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog ah. Cabashada waa in si nabad ah oo wada hadal lagu dhammeeyaa. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.” ayaa lagu yiri warka beesha caalamka.

Saaxiibada caalamku waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan xaaladda, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, islamarkaas na ay wadahadallo degdeg ah yeeshaan dhinacyada isku haya siyaasada.

Warka kasoo baxay beesha caalamka ayaa yimid, iyadoo lagu waday in wakiillada socda beesha caalamka ay yimaadaan magaalada Garowe, si ay wada hadalo ula galaan mucaaradka iyo madaxweyne Deni.