#Berbera: Baadigoob loogu jiro Meydadka laba Qof oo Baddu liqday

Berbera(Berberanews):- Boqolaal dad ah, ayaa ku sugan xeelliga Xeebta Batallaale ee Berbera, kuwaas oo baadi-goob ugu jira sidii loo heli lahaa Meydadka 2 Ruux oo ay Baddu liqday Jimcihii shalay, ka dib markii ay u dabbaal tegeen.

Sida uu ku warramay Weriye Mukhtar Harir  Illaa hadda waxaa la baadi-goobayaa Meydadka labada Qof oo muddo 48 sacadood ah ay baadhayaan Ciidammada kala duwan ee Gobolka Saaxil, Ciidanka Badda, Booliska iyo kuwo ilaalada xeebaha Batallaale, ayaa weli la helin.

Waloow ay jiraan caqabado dhanka Biyaha Badda ah oo xareed isu-beddelay oo waxba laga arki-waayey. Iyadoo ay Roobab waawayni ka da’ayeen todobaadyadan Berbera iyo meelo badan oo Somaliland ka mid ah.

Maamulka Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, ayaa ka digaya halista Baddu leedahay wakhti Roobabka oo biyo badani gudaha u galaan Badda, isla markaana fatadahaad sameeysa iyo mawjado xad-dhaaf ah si ay xareeda isaga saarto,