Ethiopian Airlines oo jebisay rikoodh cusub oo iibsiga diyaaradaha ah

Ethiopia-(Berberanews)-Ethiopian Airlines ayaa hal mar iibsan doonta 67 diyaaradood, waana rikoodhkii ugu weynaa ee taariikhda duulimaadyada Afrika.

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopia Airlines ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis ay ku iibsanayso 67 diyaaradood oo Boeing Jet ah, taasoo ah tii ugu waynayd ee taariikhda duulimaadyada.

Diyaaradan ayaa sidoo kale xustay in iibsashada tirada intaa le’eg ee diyaarado hal mar la soo iibsado ay tahay mid taariikhda Afrika kow ka ah.

Sida ku cad heshiiska, shirkaddu waxay iibsan doontaa 11 Boeing 787 Dreamlinenrs iyo 20 Boeing 737 Max.

Heshiiska duulimaadka waxaa sidoo kale ku jira ikhtiyaarka lagu iibsan karo 15 Boeing 787 Dreamlinenrs iyo 21 Boeing 737 Max.

Xogta laga helayo shirkadu waxay muujinaysaa in heshiiska uu dhex maray Mesfin Taseo oo ah madaxa shirkadda Ethiopian Airlines iyo madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Boeing Brad McMullen.