Waa Tuma Naadiya? Gabadha Maayirka ka noqotay St. Louis Park

MINNEAPOLIS—(Berberanews)-Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah xilkaasi ku guuleysata.

Sanadkii 219-kii, ayaa iyadoo 23 jir ah waxaa loo doortay kursi golaha deegaanka ee magaaladaas taasoo ka dhigtay qofkii ugu da’ada yaraa ee maamulka magaaladaa ka mid noqda.

Deeqa Dhalac oo ka tirsaneyd baarlamanka Magaalada South Portland, ee gobolka Maine, ayaa sanadkii 2021kii noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqota Mareykanka, laakiin waxay ka duwaneyd Naadiya, Deeqa waxaa xilkaasi u doortay, lixda xubnood ee Golaha deegaanka magaaladaas.

Maxamud Mascade ayaa warbixintan inooga soo diray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Halkan la dhegayso warbixinta