Israel oo lagu duqeeyay diyaarad bilaa duuliye ah iyo gantaalo

Israel-(Berberanews)-Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in gantaalka difaaca ee riddada dheer ee “Falaaraha” ay ku rideen gantaal, iyagoo intaa ku daray in aanu u gudbin dhulka Israa’iil. May sheegin halka uu ka yimid gantaalka.

Dhacdadan ayaa timid ka dib markii digniin la geliyay magaalada koonfureed ee Eilat. Barqanimadii maanta ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah waxay duqeysay dhismo ku yaalla magaalada.

Israa’iil waxay sheegtay inay rumeysan tahay in diyaaradda laga soo riday Yemen, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Xuutiyiinta fadhigoodu yahay dalka Yemen ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka sheegtay in dhowr weerar oo gantaallo iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen Israa’iil.