Qaylo-dhaan baqdin xambaarsan oo ka soo yeedhay huwanta Laascaanood

WARSAXAAFADEED-Laascaanood, 08 November 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada colaadeed ee ka imanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas.

Maamulka Muuse Biixi wuxuu saaka weerar ku soo qaaday deegannada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Somaliland ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayey malleeshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah, kuwo kalena ku barakiciyeen.

Ciiddammada difaaca maamulka  SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoo iska caabbiyey malleeshiyaadka maamulka Somaliland.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka dhabaynayo ballanqaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah.

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Somaliland damacsan tahay.

Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, isla markaana aannu u hoggaansamayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu  masuuliyaddeeda  qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.