Madaxweynaha Turkiga oo taageeray ururka Xammaas

ANKARA — (Berberanews)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay Ururka Xamaas iyo dagaalka uu kula jiro Israel, isagoo Xamaas ugu yeeray dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah.

Dadka arrimahan ka faalooda ayaase qaba in Turkiga uu weli yahay dariiq muhim ah shidaalka iyo Tamarta Isreal.

Sida ay qabaan dadka arrimaha Turkiga odorosa, Faraqa u dhaxeeya hadallada kulkul ee afka laga yidhahdo iyo Ficilka waa qeyb ka mid ah doorka diplomaasiyadeed ee ay Ankara ku dooneyso inay ka qaadato colaadda Qaza.

Dorian Jones ayaa warbixintan ka soo diray Istanbul. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo jeedinaya.