CiidaMada Somaliland oo xabsiga dhigay Wasiir Hore

LATEST UPDATE: Ciidammada ammaanka Somaliland oo xabsiga dhigay wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka xukuumaddii ugu horreysay ee Madaxweyne Muuse Biixi Mr Cawaale Shirwac Aadan duhurnimadii maanta.
Dareenno shaki leh oo ku xeeran xadhigga Ex Wasiir Cawaale Shirwac oo sannadihii u dambeeyey caan ku ah inuu baraha bulshada ku baahiyo qoraallo joogto ah iyo muuqaallo uu ku difaaco qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, Mr Shirwac waxa uu muddooyinkii u dambeeyey si adag u deedafayn jiray aragtida Awdal State ee ay dabada ka wadaan kooxo u badan qurbo-joogga reer Awdal.
Dhinaca kale, xogo laga helay xadhigga Cawaale, ayaa tibaaxay inuu la xidhiidho dacwad liddi ku ah siyaasigan oo Madaxtooyada Somaliland u gudbisay hay’adaha garsoorka, kaas oo salka ku haya qoraallo uu dhowaan baraha bulshada ku baahiyey oo uu mid ka mid ah La-taliyeyaasha Madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu ka qaybgalay shir dhan ka ah qarannimada Somaliland oo ka dhacay dalka Qatar…