Somaliland oo si adag uga hortimi qaraar liddi ku ah oo ka soo baxay Golaha QM 

Hargeysa, Somaliland – Oktoobar 31, 2023 – Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku gacan-saydhay war kasta oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kaas oo lagu sheegay in Xafiiska Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya (ATMIS) lagu daro Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland.

“Somaliland waa dal madax-banaan  , ATMIS-na waligeed ma noqon maamul awood ku leh Somaliland. Somaliland ayaa marar badan ku celcelisay mowqifkeeda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse xukuumaddu waxay aaminsan tahay inay muhiim tahay in hadda lagu celiyo, iyadoo la eegayo xaaladihii u dambeeyay.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafafeedka waxaana intaa lagu daray.
“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo khuseeya muddo kordhinta ATMIS ee Soomaaliya, waxaanu rumaysanahay in qaraarkani sidoo kale u muuqan karo mid soo jeedinaya in ATMIS-ka shaqadeeda ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland aad ayay uga walaacsan tahay taladan. AMISOM iyo kuwa bedelaya (ATMIS) ayaa ah howlgal nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007 si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah. Iyadoo lagu salaynayo hawl-galka xaqiiqo-raadinta ee AU-da ee soo taxnaa sannadkii 2005-tii, ayaa si cad u sheegay in “tan iyo markii lagu dhawaaqay May 18-keedii 1991-kii, Somaliland ay leedahay sifooyinkii dawladnimada ”. Sidaa darteed, ATMIS marna looma igman inuu ka hawlgalo Somaliland, waxaanay dawladda Somaliland marar badan si cad ugu sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku aaddan go’aan kasta oo Somaliland lagaga hawlgelinauo ATMIS
, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax-bannaan.”.