Sirdoonka Somaliland oo soo bandhigay sawirrada rag argagixiso looga shakiyay

Hargeysa-(Berberanews)-Sirdoonka Qaranka Somaliland oo markii ugu horreysay taariikhda soo bandhigay sawirrada koox loo qabtay tuhunno la xidhiidha argagixiso.
Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa qoraal kooban iyo sawirrada raggan looga shakisanhahay argagixisada ku baahisay barteeda Twitterka.
Qoraalkaad kooban ayaa u qornaa sidan:
“Hay’adda #NIA_IntellSL ayaa qabatey toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko.”