Hay’adda Dhowrista Tayada oo war kasoo saartay sonkkor shaki badan dhalisay

Hargeysa-(Berberanews)-Haay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland, ayaa markii u horraysay ka hadashay sonkor baraha Bulshada dhex wareegaysay oo shaki badan abuurtay.

Agaasimaha Guud ee Haay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland Xamse Sul.Aadan Faarax, ayaa soo saaray War-saxafadeed uu kaga hadlay xaaladda sonkortaas iyi tafaasiisheeda.

                                                                 “Hay’adda dhawrista tayadda qaranku waxa ay bulshada uga masuul tahay ilaalinta badqabka iyo caafimaadka bulshada somaliland .hay’adda dhawrista tayadda waxa dhawaan soo gaadhay sonkor ay bulshada ka cabatay taas oo bulshada tuhun ka galay sida ay dalka ku soo gadhay.sidaa dardeed waxa aanu bulshada la wadagaynaa xogta sonkortas iyo tayadeeda

• Hay’adda dhawrista tayadu waxa ay bulshada u cadaynaysa in ay sonkortu ku timid 50kg, taaso soo martay dekedda Berbera isla mrakana lagu sameyay baadhis.
• Xadiga sonkorta shirkadu lasoo degtay waxa uu dhamaa 293 container oo ka kooban 158,220 kiish oo 50kg ah , taarikhda ay sonkortu dalka soo gaashay waa 7/10/2023 Taarikhda ay so baxdayna waa june/2023  iyo july 2023,halka  taarikhda ay dhacaysayna ay tahay june/2026 .
Hay’adda dhawrista tayaddu iyadoo tix galinaysa cabashadii bulshada waxa ay qaaday talaabooyin kale duwan si waafaqsan xeerka hay’adda dhawrista tayadda.

1. Waxa anu baaadhis (vissual inspection) ku samaynay  dhamanaan bakharada ay leedahay shirkadu ee ku yaal  Hargeysa iyo Berbera.
2. Waxa anu ka qaadnay sonkor  muunad ah (sample) si loogu soo baadho shaybaadhka hubinta tayada ee Hay’adda dhawrista tayada.

 Natiijonika uga so baxay xafiska hawl-galkan :
Hawlgalkan oo muddo qaatay waxa Hay’adda Dhawrista Tayadda uga soo baxay qodobadan hoos ku xusan.
• Sida ku cad natiijada shaybaadhka qaranka ee hubinta tayadda waxa hay’adda u cadaatay in aanay sonkortani wax dhiba aanay lahayn
• In shirkada Ominco Group  ay dib u bacayn ku samaysay sonkortii 50kg  ahayd taaso ay ka dhigtay  25kg  iyago tixgalinaya awooda bulshada ee ah inaay bulshadu iibsan karin kiishka 50kg ah.
• Shirkadu waxa ay xaq u ledahay in ay 2% badeecadd kasta oo ay laso degayso ay soo raacsato baco madhan ( empty bags) taso ah hadi ay  jeexanto, dilacdo in ay ku badashaan kiishashkaas madhan .
• In taariikhada  kiishka sonkorta 25kg ah dib loogu cabeeyey ay khaldan tahay oo ay tahay  1/10/2023 halkii ay ka ahaan lahayd july/2023/ june 2023.
• Gabogabado
Hay’adda dhawrista tayaddu waxa ay bulshada somaliand u cadanaysaa in sonkorta macluumaadkeedu kor ku xusan yahay ay tahay sonkor aan wax cilada aan lahayn oo ay bulshadu isticmaali karto.”