AHN MAXAMUUD CUMAR NUUR ODAYGII UGU TAARIIKHDA DHEERAA BERBERA OO GEERIYOODAY

Qalinkii Cali-Mahad
Alaha u naxariistee waxaa habeenimadii xalay 30.10.2023 ku geeriyooday Magaalada Berbera Oday Maxamuud Cumar  Nuur Samatar oo ahaa Ninkii  wakhtigan ugu da’da weynaa Magaalada Berbera.
AHN Marxuumku wuxuu   ahaa Oday Samatalis ah oo Dadka jilicsan  aad u gacan qabta.Mudo 20 Sano oo aanu deris ahayna  waxaan marar badan kala sheekaystay.  Taariikh badan oo usoo joogay. Arimaha uu iiga waramayna waxaa kamid ahaa inuu la kulmay  Sarkaalkii la.odhan jiray Xaaji Muuse Igare (INA IGARE) Xili ku siman sanadihii Sodomeeyadii  waxa kale oo iiga Sheekeeyey Wakhtigii  Talyaanigu qabsaday Magaalada Berbera  oo  ahayd 19.8.1940kii. iyo meelihii ay Ciidamadiisu Fadhiisinada ka dhigteen.
     sidoo kale Dagaalkii Rogaal-celiska ahaa ee Ciidamada Ingiriisku dib ugu saareen Berbera.  waxaanu mid mid uga iiga sheekeeyey Duruufihii waayahaasi jiray.   
   AHN Oday Maxamuud Cumar qisooyinka  Taariikhiga ah ee ku saabsanaa Magaalada Berbera iyo Qarnigii Ina dhaafay, oo ay  ahayd Xarunta Ganacsiga   Alaabta ka soo degtaana  gaadhi jirtay ilaa Itoobiyada fog. Cahdigaasna Baayac-mushtarka waxaa gadhwadeen ka ahaa Carab, Hindi iyo Yuhuud. Ganacsatada  Soomaalidana waxaa ugu magac weynaa Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Xashiish.
Sida aan marar badan maqlayna isla markaana aan ka hubiyey Maxamuud Cumar Laftiisa inkastoo  d’a ahaan ay  kala weynaayeen waxay  aad isugu dhodhowaayeen  AHN Xaaji Ibraahin Cigaal Qaasaali  oo ahaa M/weynihii 2aad ee Somaliland Aabihii  iyo AHN Maxamuud Cumar Nuur, wuxuu iiga waramay in horaantii 1954kii uu xanuunka Faaligu ku dhuftay AHN Xaaji Ibraahin Cigaal.oo markaa joogay Berbera waxaanu u geynay Aniga iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Meesha la yidhaahdo Biyo Kulul  oo aanu teendho uga dhisnay laakiin mudo ka dib ayaa tii Alle u timid. AHN Marxuum Maxmuud Cumar Nuur oo ahaa ehlu cibaado ah. waxyaabaha  aad loogu xusuusto waxaa kamid ahaa  Gobanimadii,   Odaytinamadii,    sida uu uga war hayey  danyarta ah. iyo  dadka Jaarka ah oo aan  marar badan usoo joogay siduu u waraysan jiray. waxaanu ahaa Qof Xalaal cun ah.
La soco Qormada dambe iyo laba dhacdo  oo markhaatigeeda uu furay  Marxuumku