15 GUURADII  QARAXYADII HARGEYSA :XUSUUS-QORKA MAANTA 29.10.2008

Qalinkii CALI-MAHAD YUUSUF
Amin goor sheegtu tilmaamayso abaaro 9kii Subaxnimo oo wax dhiman ayaa Qaraxyo waaweyn oo is xigay ka dhaceen Sadex goobood  oo kala ahaa Safaaradii Itoobiya, Xaruntii Hay’ada UNDP iyo Qasriga  Madaxtooyada  ee Hargeysa.   Xaqiiqa ahaan wuxuu weerar Argagax leh Noociisuna aanu  hore uga dhicin Somaliland. Dad aad u  badan ayaana ku Naf waayey, halka tiro intaa ka badanina ku dhaawacantay.

  Jugta Qaraxyadaas oo magaalada Hargeysa dhamaanteed laga wada maqlay  waxay xaaladu isu  bedeshay   Jawahareer iyo khalkhal  Ayaantaas oo ahayd Arbaca sida caadiga ahna loo balansanaa Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada  waxaa  judhiiba  soo baxay war sheegaya in M/weynihii  Dalka Madaxweyne-kuxigeenkii iyo  Golihii Wasiiradu ay ku dhinteen Qaraxii Madaxtooyada ka dhacay. Balse waxaa warkaasi  Beenoobay Markii uu Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBCdu  si toos ah u waraysatay.  Madaxweynihii  Waxaase cajiib ahayd dhacdo uu Weriye Axmed Siciid Cige ku qoray Buugiisa WARJIRE oo Page 105 kaga hadlayey Waraysigii uu doonaayay inuu la yeesho Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Inkastoo uu M/weynuhu ogolaa Waraysiga waxaase ka hor yimi Masuuliyiintii kale ee la joogtay. Oo diiday inuu Madaxweynuhu  saxaafada la hadlo.  Balse sida Axmed S.Cige qoray  Xaaskii  M/weynuhu Mawo Huda ayaa ku tidhi Weriyahaaa idinka saxsane waraysiga siiya hadii kale Beentaa Faafaysa. Hadalkaa  M/weyne Daahir Rayaalena wuxuu meesha ka saaray warkii naxdinta lahaa ee hore u baxay.