Hargeysa: Booliska oo ka hadlay wiil xalay la dilay

Hargeysa-(Berberanews)-Booliska Somaliland oo markii ugu horreysay war ka soo saaray wiil dhallinyaro ah oo Hargeysa lagu dilay habeenkii xalay.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dable Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan ina Saynab Maxamed oo 21 jir ah oo baxsaday ka dib markuu uu xalay ku toogtay Hargeysa  Marxuum Mustafe Abees AHUN, Isla markaana si degdeg ah sharciga la horgayn doono.

Taliska Booliska waxay kala oo ay sheegeen in la qabtay mid ka mid ah shaasiyaadka ku eedeysan in dilka ay ka gacan siiyen , gacan ku dhiiglaha.

Dhinaca kale, Ciidanka Booliska ayaa sheegay in laba qof oo aan weli la aqoonsan ay ku eedeysan yihiin in dilka ay gacan ka siiyen gacan ku dhiiglaha baxsadka ah ee la qabtay.