Damaca baddeed ee #Ethiopia oo xiisad ka dhaliyay dalalka deriska la ah

Ethiopia-(Berberanews)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay hadal xiisad ka dhalatay oo ku saabsan  gacan ku haynta badda cas, isaga oo hada uun ka doo naxay colaadaha dhulka, una weecday saameynta Itoobiya ku leedahay Geeska # Afrika.

Khudbadda Abiy ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in laga wada-hadlo sidii loo geli lahaa badda #cas, taasoo ka dhalatay cadho ka timid dalalka dariska ah sida Ereteriya iyo Jabuuti.

Itoobiya, oo noqotay mid aan bad lahayn 1993-kii kadib markii #Eritrea ay xornimada qaadatay,ganacsigeeda caalamiga ah waxay hadda ku tiirsan tahay dekedda #Jabuuti .
Si kastaba ha ahaatee, Abiy ayaa ku doodaya in helitaan toos ah ee badda ay muhiim u tahay kobaca dhaqaalaha Itoobiya, maadaama marinka badda uu noqon karo ilaa 25-30% GDP-ga waddan. Iyada oo dadka Itoobiya ay si xawli ah u korayaan iyo dhaqaalahooda kobcaya, baahida loo qabo helitaanka xeebaha ayaa sii kordhaya.
Inkastoo dalalka deriska ah ay kasoo horjeesteen, haddana Itoobiya waxay soo jeedisay inay saami ku yeeshaan biyo xidheenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya, si ay u hesho marinka badda cas.

Sida ay baahisay mareegta Maritimeexcutive Xaaladdu waxay muujineysaa caqabadaha ka jira isu dheelitirka danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka, iyo sidoo kale suurtagalnimada isku dhacyo ka dhasha muran dhuleed.