Israel oo si degdega muwaadiniinteda uga saaraysa dalalka Carabta

Israel-(Berberanews)-Israa’iil waxay ku amartay muwaadiniinta inay si degdeg ah uga baxaan Jordan iyo Masar.

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa uga digay Israa’iiliyiinta Masar iyo Urdun in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan oo ay sidoo kale ka fogaadaan safarrada aan muhiimka ahayn ee ay ku tagaan Morocco.

Sida laga soo xigtay wargeyska Times of Israel, digniintu waxay timi iyada oo la eegayo dawladda Israa’iil oo ogaatay “ka sii daristsa” mudaaharaadyada looga soo horjeedo Israa’iil ee adduunka oo dhan, gaar ahaan dalalka Carabta ee Bariga Dhexe.

Ku dhawaaqista ayaa sidoo kale kula talisay muwaadiniinta Israel inaanay booqan Bahrain, Bangladesh, Indonesia, Malaysia, Maldives, Turkey iyo Imaaraadka Carabta.